Nairobi (Puntland Post) — Wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda amaanka qaranka dalka Kenya ayaa mar kale dib u soo daabacday sawirrada iyo magacyada 11 qof oo lagu tuhunsanyahay in ay xiriir la leeyihiin kooxaha loogu yeero argagaixisada, kuwaasoo ay booliska doon doonayaan.
Magacyada 11-ka qof ayaa lagu xusay bayaan ay soo saartay wasaaradda oo lasoo dhigay barta Twitterka, waxaana lagu qeexay in ay yihiin shaqsiyaad khatar weyn ku ah amaanka guud ee dalka Kenya.
Liiska lagu soo qoray magacyada ayaa waxaa ka muuqda Abdalla Muumin Abdalla, Abdalla Siraj Marumu, Abdifatar Abubakar Abdi, Isaa Abdalla Ahmed , Anwar Yogan Mok, Suleiman Muhamed, Hussein Said, Mohamed Ali Ahmed, Omar Patroba Juma, Abdikadir Abubakar iyo Ismael Mohamed Shosi.
Laamaha ammaanka waddanka Kenya ayaa mar kale shacabka ka codsaday in ay gacan ku siiyaan soo qabashada raggaasi oo hadda ka mid ah kuwa loogu raadiska badan yahay dalka Kenya.
Dhawaan ayey ahayd markii sawirrada iyo magacyada raggan ay soo daabacday wasaaradda arrimaha gudaha dalka Kenya taasoo ay weli baadi goob ugu jiraan laamaha ammaanka waloow dadka qaar ay ku tuhmayaan inay u baxsadeen kaymaha Boni oo ay Al-shaabtu ku leeyihiin fariisimo.
You must be logged in to post a comment.