Ciidamada dowladda ku dagaallamay Muqdisho

Muqdisho-(Puntland Post)-Laba qof ayaa inta la ogyahay ku nafweyday dagaal ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ku dhex maray maanta degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Ciidamadan oo maalmahanba is hor fadhiyay ayaa ku muran sanaa dhul sharci darra ah oo ay dowladdu ammar ku bixisay in la dumiyo.

Labada qof ee dhimmatay ayaa waxaa ka mida haweeneey wax ku gadan jirtay suuq-yaraha xaafadda uu iska hor immaadku ka dhacay ee Sonna-Key, halka ruuxa kalena lagu sheegay nin waddada marayay oo ay haleeshay rasaasta habowga ah.

Dadkii ku dhaqnaa xaafadda ay shaqaaqada ka dhacday ayaa intooda badan ka bara-baxay guryahooda waxaana weli halkaasi ka taagan xiisaddii sababtay gacan ka hadalka,iyadoo ay jiraan dedaallo lagu kala dhex galayo labada garab ee diriray.

Ugaas Cabdi Daahir oo ka mid ah waxgaradka magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in shacabka dushooda aanan lagu dagaallamin, isagoo dowladda ugu baaqay inay meel dejiso dadka guryahooda laga saarayo ee cidlada jooga.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadka ka saarta xarumihii ay deggenaayeen muddada dheer iyadoonan siinin dhul ama meelo kale oo ay degaan,tiiyoo ay haawanayaan goobo badan oo laga bixiyay dad deggenaa muddo dheer.