Muqdisho-(Puntland Post)-Qaar ka tirsan siyaasiyiinta,Odayaasha iyo wax garadka beelaha Absame iyo Jajeele ayaa heshiis iskaashi ku gaaray magaalada Muqdisho.
Labadan beelood oo isku aragti ka ah saluugna ka muujiyay siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan saami qaybsaiga xukuumadda dhexe iyo kan maamul goboleedyada ay kala hoos tagaan dhulka ay deggan yihiin.
Qaar ka mida xildhibaannada beesha Absame oo ka halday kulanka ayaa sheegay inay labada beelood ay dulman yihiin,iyagoo eedeynta ugu weyn u soo jeediyay mas’uuliyiinta ugu sarraysa dalka,oo ay ku tilmaameen inay yihiin kuwo u taagan burburinta midnimada Soomaaliyeed.
Labadan beelood ee Absame iyo Jajeele ayaa isku raacay in laga midoobo dhaqaalaha,Siyaasadda iyo xagga ciidamada,iyadoo loo ballamay shir ballaaran oo dhowaan la qorsheynayo inuu ka dhaco magaalada Ceel-berde.
Beelahan ayaa ka biya diidsan siyaasadda dowladda dhexe ee Soomaaliya,iyagoo kala samaystay laba maamul oo lagu kala magacaabo West-land State iyo maamulka Bakool sare,taasoo ay soo dhoweeyeen qaar ka mida dowlad goboleedyada dalka ka jira.
Shirka Ceel-berde ayaa la qorshaynayaa in lagu mideeyo labada maamul ee West-land State iyo Bakool sare State,kuwaasoo ka arrimiya qaybo ka mida gobollada Bakool iyo Hiiraan.
You must be logged in to post a comment.