Kismaayo-(Puntland Post)-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ku wajahan magaalada Cadaado oo xarun ku meel gaar u ah maamulka Galmudug, iyadoo qaban qaabo lagu soo dhoweynayo ay ka socoto.
Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu kula kulmo magaalada Cadaado Madaxweynaha Gal-mudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, iyagoo isla soo qaadi doona qaabka loo wajahayo shirka dhawaaan la qorsheynaya inuu ka dhaco Kismaayo.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa bilo ka hor ka mid ahaa mas’uuliyiintii waan waanta u tagay Gaalkacyo ee ku guuleystay inay heshiis kala dhex dhigaan Puntland iyo Gal-mudug,isagoo ballan qaaday inuu booqasho ku tegi doona magaalada Cadaado.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa kaga sii gudbi doona Cadaado dhinaca Puntland, halkaasoo uu kaga qeyb geli doono furitaanka garoonka diyaaradaha Boosaaso oo si casri ah loo dhisay iyo sanad-guurada labaad ee ka soo wareegatay doorashadii Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.