Xildhibaan Dalxa oo dhaliilay laamaha ammaanka Soomaaliya

Muqdisho-(Puntland Post)-Xiildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay xabsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho inay ka buuxaan dad badan oo masaakiin ah, kuwaasi oo aanan waxba galabsan.

Mudanahan ayaa sheegay in muddooyinkii dambe ay dalka ku soo badanayeen dad aanan awood badan laheyn in layska xiro oo xabsiyada laysaga haya iyagoon maxkamad marin ama la ciqaabo,taasina ay tahay ku takrifalka awooda dowladnimada.

Xildhibaan Dalxa, ayaa hadalkiisa intaasi ku daray dadka la xiraayo ka sokoow inay jiraan kuwo badan oo guryahoodii laga qaatay, kadibna lagu abaalmariyay xabsiga in la geliyo,maaddaama ayan jiri cid ka daba tagaysa ama u doodeysa.

Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa in badan lagu dhaliilaa inay tacaddiyo ku sameeyaan bulshada qaybaheeda kala duwan,gaar ahaan dhallin yarada aan ka soo jeedin beelaha laga haybaysto ama anan dowladda dhexe ku lahayn awood maamul oo ay ku tiirsanaadaan marka ay jiraan baaritaannada iyo hawl-gallada.