Muqdisho-(Puntland Post)-Wasiirka gaashaandhigga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta dhagax dhigay Wershad casri ah oo sameyn doonta direyska ciidanka xoogga dalka.
Jeneraal Diini ayaa sheegay inay mashruucan kusoo gabagabayn doonaan lixda bilood ee ugu horreeysa sanadkan billowga ah,isagoo intaa raaciyay inay meesha ka saarayso baahiyahii loo qabay Tuutaha ciidamada iyo wada qaada xirashadii lebiska kala duwan ee ciidamada.
Saraakiisha wasaaradda difaaca ayaa marar badan cabasho xooggan ka muujiyay kuna wareeray dableey ku lebbisan tuutaha ciidamada kala duwan ee Soomaaliya,kuwaasoo dilal qorshaysan iyo boob dad weyne ka geysta guud ahaan dalka.
You must be logged in to post a comment.