Muqdisho-(Puntland Post)-Dowladda Soomaaliya iyo midowga Afrika oo maanta isla meel dhigay hawl-gallo cusub oo la doonayo in lagula dagaallamo Ururka Al-shabaab.
Kulan ay xarunta wasaaradda gaashaandhigga ku yeesheen taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Aaden Axmed iyo saraakiisha ugu sarreysa AMISOM ayaa lagu jeex-jeexay sidii uu ku billaaban lahaa duullaan sida ay sheegeen lagu qabanayo dhalka oo dhan.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in sanadkan 2016-ka uu u noqon doono Millitery-ga Soomaaliyeed kii dib-u-dhiska iyo howlgallada lagu baacsanayo Ururka Al-Shabaab.
“Kulankan muhiimka ah ee aynu maanta halkan u fadhino ujeedkiisu waa in wadajir loogu diyaar garoobo dib u xoreynta goobaha dhiman ee cadowgu joogo. Waxaan isla garanay AMISOM in Sanadkan 2016 Soomaaliya oo dhan laga waayo meel ay Argagixiso ka taliyaan”ayuu yiri Taliyaha Xoogga.
Kulanka ayaa waxaa taliyaha ciidamadda ku weheliyey Abaanduulaha xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil kale,wuxuuna shirkani qeyb ka yahay kulamo is daba joog ah oo maalmihii u danbeeyey u dhexeeyey wasaaradda gaashaandhigga iyo hawl-galka nabad ilaalinta Soomaaliya.
You must be logged in to post a comment.