Garowe (Puntlandpost)- Ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP oo kaashanaysa xafiiska UNSOM ee Puntland ayaa maanta tababar soconaya mudo labo cisho ah ugu qabtay xafiiska UNSOM.
Tababarka ayaa ku saabsan Amniga wariyaha, tabinta wararka la xariira New Deal arrimaha siyaasadda, furitaankiisa waxaa kasoo qayb galay wasiirka warfaafinta Puntland, gudoomiyaha ururka suxufiyiinta ee MAP iyo saraakiil ka socda xafiiska UNSOM.
Sarkaal ka socday xafisika UNSOM oo la yiraahdo Howard Bell remarked oo tababarka ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in wariyaasha tababarkan kala soo qayb galo,waxa uu sheegay inay muhiim tahay in la fahmo casharada lagu bixinayo inta uu socda laguna dabaqa shaqooyinka warbaahinta gudaha.
Madaxa ururka suxufiyiinta Puntland MAP, Faysal Khaliif Barre ayaa sheegay inuu ahmiyad gaar ah u lee yahay tababarkan ayna muhiim tahay wariyaasha inay xooga saaraan la socodka xagga ammaankooda iyo soo tabinta wararka la xiriira hiigsiga 2016 Soomaaliya.
Barre waxa uu u mahad celiyay UNSOM oo uu ku sheegay inay mar walba garab taagan yahay Saxaafadda Puntland.
Wasiirka warfaafinta Maxamuud Xasan Soocadde oo tababarka furay ayaa sheegay inuu wada shaqayn wanaagsan kala dhaxeeya MAP ayna ku faraxsan yihiin tababarkan oo suxufiyiinta lagu barayo sida ammaankooda u sugan la haayeen isla markasna usoo tabin lahaayeen wararka xaqiiqda ah ee dalka ka jira.
Wariyaasha kasoo qayb galay tababarka oo isagau jiray ragg iyo dumar ayaa tiro ahaan gaarayay 26-waxayna dhankooda tilmaameen inay ku faraxsan yihiin tababarkaan oo intooda badan aan horay usoo qaadan.
Ururka MAP ayaa qorsheynaya tababaro kale inay ku qaban doonto dhowaan magaalooyinka Qardho iyo Bosaso.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe
You must be logged in to post a comment.