Ksimaayo-(Puntlandpos) Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta xariga ka jaray guriga Martida oo ku yaalla Badda qarkeeda iyo sidoo kale xarunta lagu qaban doono shirka madasha wadatashiga Qaran ee 10 bishaan lagu qaban doono magaalada Kismaayo.
Xarumaha uu maanata xariga ka jaray Madaxweynaha ayaa ah xarumo si aad u ah loo qaabeeyay.
Munaasibadii xariga looga jarayay guriga Martida iyo xarunta shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuulyiin kale duwan oo Jubbaland ka tirsan sida, Labada Madaxweyne ku xigeyn, Darwiish, Macallin Maxamed, masuulyiinta Degmada, kan gobbolka, Xildhibaano iyo marti sharaf kale.
You must be logged in to post a comment.