Kismaayo-(Puntland Post)-Madaxweynaha maamul goboleedka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam ayaa bulshada ku dhaqan Kismayo iyo guud ahaan Jubbooyinka u sheegay inaanay ka shakin ciidamada ka socda dalka Itoobiya ee qaybta ka ah Amisom.
Axmed madoobe ayaa hadalkan ka jeediyay kulan uu xaruntiisa kula qaatay odayaasha dhaqanka markii ay dadka ku dhaqan halkaasi walaac weyn ka muujiyeen Millitery-da Itoobiya,iyagoo xasaasiyad xooggan ka qaaday joogitaankooda Kismaayo inuu yahay gumeysi hor leh oo ugu yimid guryahooda.
“Ma aha Amisom-tii aad horay u taqaaneen, waa ciidan doonaya inay qaataan ammarkeenna , isla markaana ay ka jawaabaan baahida dadkeennu ay u qabaan in waddooyinka deegaanka naloo furo,Xorayntii Jilib,Jamaame iyo caasimaddii Bu’aale,maanta ayaan rajo fiican ka qabnaa mar haddii ay ciidamada Ethiopia yimmaadeen deegaanka”Ayuu yidhi Sh Axmed Madoobe oo la hadalyey Odayaasha dhaqanka Kismaayo.
Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa sheegay inuusan jirin wax walaaac ah oo ay maamulkiisu qabaan,wuxuuna intaa raaciyay in ciidamada Itoobiya ay fulinayaan qorshaha Jubba-land,isagoo ugu bishaareeyay inay qaban doonaan dhulka maqan,oo uu ula jeedo kan ay Al-shabaab haystaan.
Kulanka Odayaasha Kismaayo iyo madaxweyne Axmed madoobe ayaa ku soo aadaya xilli si weyn loo hadal hayo,qudbad uu wasiirka arrimaha bulshada Jubba-land ka jeediyay soo dhoweyntii ciidamada Itoobiya,isagoo sheegay inay yimmaaddeen qayb dhulkooda ka mid ah.