Garowe (Puntlandpost) Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay maalinta berito ah u anbo-baxaan magalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar.
Safarka madaxwayne Gaas ayaa salka ku haya daah furka garoonka diyaaradaha magalada Bosaso 8-da Janaayo hase yeeshee waxa uu maalin kusii hakan doonaa magalada Qardho oo uu booqan doono madaxtooyada Qardho oo bilowga bishaan mamul cusub loo magacaabay.
Safarka Gaas ee Karkaar iyo Bari waxaa ku wehelin doono Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya oo Garowe ku sugan iyo siyaasiyiin kale oo Muqdisho ka yimi, waxayna ka qayb galayaan furitaanka Airport-ka Bosaso.
Wararka ayaa sheegaya in lagu wadaa beri Wasiirka koowaad ee dalka inuu kasoo dego garoonka diyaaradaha magalada Qardho.
Puntland ayaa furitaanka garoonkaasi sidoo kale ku marti qaaday safiiro iyo dib-lumaasiyiin heer caalamiya.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe
You must be logged in to post a comment.