Golaha ammaanka oo cambaareeyay Iiraan

New York-(Puntland Post)-Golaha ammaanka qaramada midoobey ayaa si xooggan u cambaareeyay weerarradii lagu qaday safaaradda iyo qunsuliyadda uu Sacuudiga ku lahaa dalka Iiraan.

Dibad baxayaal ka careysan dilkii Wadaad Shiico ahaa Sheekh Nimr Al-Nimri ayaa waxay gubeen dhismaha Qunsuliyadda iyo Safaaradda Sacuudiga.

Golaha ammaanka oo ka jawaabayay warqad cabasho ah oo ka timid Sacuudiga ayaa cambaareeyay weeraradaas, iyagoo ugu baaqay dowladda Iiraan inay ilaaliyaan xarumaha astaanta u ah dalalka madaxa bannaan iyo  shaqaalaha ka hawlgala, iyadoo la ixtiraamayo sharciga siyaasadda caalamiga.

War saxaafadeed ka soo baxay golaha ayaa lagu soo hadal qaadin dilkii Wadaad Shiico caan ahaa oo Sabtidii dowladda Sacuudiga ay dishay dalkeeda.

Golaha ayaa ugu baaqay labada dowladood inay qaadaan tallaabooyin lagu yareynayo xiisadda ka dhex taagan, isla markaana la xaliyo dhibaatada ka aloosan gobolka.

Dowladda Sacuudiga ayaa xiriirka u jartay Iiraan, waxanay siyaasiyiinteeda ku aamartay inay 48 saac kaga baxaan waddankooda,taasoo keentay inay ku raacaan dowlado badan oo ay ka arrimiyaan dad haysta mad-habta Sunniga.