Kenya oo loogu baaqay inay ammaanka xoogga saarto si ganacsigeedu u koro

Nairobi-(Puntland Post)-Hay’adda indha-indheysa khataraha caalamka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaanno GRI ayaa dowladda Kenya ugu baaqday in ay xoogga saarto sugidda amaanka dalkeeda si uu dhaqaaluhu u kobco.

War bixin cusub oo ay shaacisay hay’addan ayaa lagu sheegay in Kenya ay kor ugu socoto dhinaca dhanka dhaqaalaha balse loo baahanyahay in la helo isku halleyn buuxda oo la xiriirta ganacsiga gudaha dalkeeda.

Baaqa lagu xusay war bixintan ayaa lagu sheegay in xukuumadda Nairobi ay door muuqda uga jiro dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee gobolka, sidaas awgeedna ay ku qasbantahay in ay ammaan ka dhigto dhammaan degaannada dhulkeeda iyo xuduudaha.

Cinwaanka bayaanka kasoo baxay hay’addaasi ayaa hal ku dhiga looga dhigay”Kenya masii wadi kartaa xoojinta maaankeeda xilli uu ganacsiga sii kordhayo”.

Inkastoo ay hay’adda indha-indheysa khataraha caalamka ee GRI loo yaqaan dowladda Kenya ku ammaantay sare u kac dhaqaale, ayaa waxay mushkilad xooggan ka haysataa sugidda ammaanka maaddaama dhulka dalxiiska oo uu ka soo geli jiray daqli badan aan laysku hallayn karin sababo la xiriira weerarrada ay Al-shabaab ka geystaan halkaas.