Muqdisho-(Puntland Post)-Waxaa heer gaba-gaba ah maraya cusbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Soomaaliya oo laga hirrgelinayo magaalada Muqdisho.
Cuspitalkan oo la sheegay inuu yahay kan ugu baaxadda weyn bariga Afrika,uguna casrisan ayaa sida laga soo xigtay masuuliyiinta shirkadda gacanta ku haysa dhismahiisa, waxaa isla halkaasi laga dhisi doonaa kulliyad caafimaad, xarrun carruurta agoonta ah lagu xannaaneeyo Masaajid lagu cibaadeysto iyo meelo lagu nasto.
Dhismaha cusbitalka waxa uu ka kooban yahay qeyb la seexiyo haweenka iyo carruurta xannuunsan, qeyb lagu xannaaneeyo ilmaha ku dhasha bilaha-dhimanka, qeyb lagu qaabbilo bukaan socodka iyo qeyb jiif u noqoneysa dhaqaatiirta waddamada kale ka yimaadda.
Ugu yaraan Maalintii waxaa uu Isbitaalka qaabili doonaa Shan Boqol (500) oo bukaan iyadoo la seexin karo 100 ruux oo haween iyo carruur isugu jira,sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Maxamed Caakif oo ah xiriiriyaha hay’adda Yerdimeli oo gacanta ku haysa hawshan.
Mr;Caakif oo sheegay inuu Cuspitaalkan ka dhexeeyo Soomaaliyoo idil ayaa haddana ku macneeyay sababta ku kalliftay dhibaatada xagga ummusha iyo baxnaaninteedaba ka haysato Hooyooyinka Soomaaliyeed,iyadoo ay jiraan duruufo dhaqaale.
“Markii aan dib u milicsannay warbixintii Qaramada Midoobay ee qeexeysay in kunkii canugba ay dhimanayaan 188 ka mid ah ayaan ka xanuunsannay arrintaas waxaana go’aansannay in aan dhisno Isbitaalka oo noqonaya kan ugu wey uguna tayada fiicnaan doona bariga Afrika islamarkaana lagu qaabili doono hooyada iyo dhallaanka”ayuu yiri Maxamed Caakif.
Cuspitalkan ayaa kaalin mug leh ka qaadan doono bad-baadinta boqolaal Hooyooyin iyo Carruur Soomaaliyeed ah oo u baahan xaalad caafimaad oo deg-deg ah,taasoo ayan awoodin intooda badan inay la tacaalaan baahiyahooda caafimaad.
You must be logged in to post a comment.