Boliiska Kenya oo hub gacanta ku dhigay

Mombasa-(Puntland Post)-Ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay hub iyo waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada markii ay weerar ku qaadeen guri ay deggenaayeen rag lagu tuhunsanaa inay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo baxsaday.

Hwalgal ay laamaha ammaanka dalka Kenya ka sameeyeen guri ku yaalla magaala xeebeedka Mombasa ayaa laga helay qoryo iyo banbaanooyin,waxaana goobtaasi ka cararay wax yar ka hor laba nin oo ay ku raad joogeen Booliska.

Af-hayeen u hadlay booliska oo lagu magacaabo George Kinoti ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen laba qori oo noocoodu yahay G3 iyo M4, 345 xabbadood oo rasaas ah, 15 Mobile iyo 1 Computer oo ah kuwa gacanta lagu qaato ee loo yaqaanno Laptop-ka.

Booliska Mombasa ayaa lagu soo waramayaa in ay hada si aad ah uga walaacsanyihiin saameynta ka dhalan karta baxsashada labada nin oo magacyadooda lagu kala sheegay Mahmoud Salim Mohamed iyo Hussein Omar Said.

Ragaan ayaa ku jiray liiska dadka lagu tuhunsanyahay argagxisanimada oo ay laamaha amaanka dalka Kenya si weyn u doon doonayeen.

Dowladda Kenya ayaa weerarro ku dhufoo ka dhaqaa ah la kulmeysay Afartii sano ee lasoo dhaafay wixii ka dambeeyay,markii ay ciidamadeeda  gudaha u soo galeen Soomaaliay si ay u baacsadaan dagaal yahannada Ururka a Al-shabaab.