Ra’iisul Wasaaraha DFS oo ka qayn galaya furitaanka Airport-ka Bosaso

CCR-Cadaado-3Garowe(Puntland Post)- Wararka uu helayo Puntland Post ayaa sheegaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke in uu ka qayb gali doono xaflada loo qabanayo furitaanka garoonka diyaaradaha magaalada Bosaso.

Wararku waxay sidoo kale tilmaamayaan in uu Cumar Cabdirashiid Puntland soo gaari doono maanta ama beri walow ilo ku dhow xafiiskiisa sheegayaan in xitaa laga yaabo inuu soo dirsado wakiilo matala.

Shalay waxaa garoonka diyaaradaha Cabdilaahi Yuusuf ee Gaalkacyo lagu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya qaarkood iyo masuuliyiin horay xilal uga soo qabtay dowladda Soomaaliya kuwaasoo lagu marti qaaday munaasibadda garoonka Bosaso lagu furayo.

Wajiga koowaad dhismaha magalada Bosaso ayaa diyaarsan dhabada ay diyaaraduhu ku ordanaan oo dhan labo KM iyo afar boqol oo mitir sidoo kale waxaa dayac tir lagu sameeyay aqalka loogu addeegayo shacabka, dhaqaalaha lagu dhisay qaybta koowaad waxaa Puntland ugu deeqay dowladda Talyaaniga xilligii uu Cabdiweli Ra’iisul Wasaaraha ahaa.

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe