Masar oo Soomaali badan ka soo tarxiishay dalkeeda

Cairo-(Puntland Post)-Dowladda Masar ayaa dalkeeda ka soo musaafurisay in ka badan 60 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen tahriibayaal si sharci darro ah dalka ku joogay kagana sii gudbayay dalalka ree Yurub. 

Masar ayaa sidoo kale xabsiga dhigtay Saddex qof oo ka soo jeeda Soomaaliya, kuwaas oo iyana aanan haysan waraaqaha dal ku galka, iyagoo qorsheynayay inay si dhuumaalaysi ah kaga sii gudbaan dalka Masar.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee tahriib doonka ah ayaa waayadan dambe caadaystay inay marin ka dhigtaan dalka Masar oo wada kulaala Badda Cas iyo tan Madatareniyaanka, halkaas oo ay kaga sii gudbaa waddamada ay qatarta badani ka sokeyso ee reer Yurub.