Garowe (Puntland Post)- Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta shihaado sharaf gudoon siiyay masuuliyiinta wasaradda Caafimaadka ka dib markii labo jeer lagu hoolkooda wasaradda lagu qabtay shirka la xisaabtanka hay’addaha dowladda.
Madaxwayne Gaas ayaa sheegay inay ku muteysteen madaxda wasaradda caafimaadka shihaadadan qaabka ay u diyaariyeen hoolka la xisaabtanka lagu qabtay sanadkii labaad iyo fududeynta howlaha uu shirku u baahnaa.
Agaasimaha guud ee wasaradda Caafimaad Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa ka mahad celiyay shihaado sharafeedka uu madaxwaynaha Puntland u gartay wasaradda Caafimaadka waxa kale uu sheegay inay muhiim tahay in la muujiyo shaqooyinka shacabka loo qabtay.
Wasaradda Caafimaadka ayaa soo bandhigtay sanadkii lasoo dhaafay barnaamijyadda ay qabatay iyadoona inta badan addeegyada caafimaadjka gaarsiiyay magaalooyinka laamiga ka baxsan.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe
You must be logged in to post a comment.