Kenya oo mar kale iska fogeysay inay ganacsi sharci darro ah ka sameeyso Kismaayo

Kismaayo-(Puntland Post)-Saraakiisha ciidamada Kenya ee qaybta ka ah  howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ayaa mar kale iska fogeeyay eedeeymo loo jeediyay oo ku saabsan in ay lacag badan ka helaan ganacsi sharci darro ah oo ay ka sameeyaan Dekedda magaalada Kismaayo.

Kooxda dabagalka caalamiga ah qaramada midoobay u qaabbilsan Soomaaliya iyo Eretareeya ayaa warbixin ay soo saareen sanadkii hore waxaa ay ku sheegeen in ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab ay ku lug leeyihiin dhoofinta dhuxul sharci daro ah oo laga qaado kismaayo iyo Sokor si qarsoodi ah lagu geliyo gudaha Kenya,taasoo uu gacan ka siiyo maamulka jubba-land.

Kenya ayaa sheegtay in wixii ka dambeeyay bishii May ee 2013-kii ay is beddeshay xaaladda Kismaayo, markaasoo madaxweyne loo doortay Axmed Maxamed Islaam maamulka Jubbaland ee halkaasi ka arrimiya.

Daniel Bartonjo oo ka mid saraakiisha ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadooda ay u yimaaddeen Kismaayo inay ka shaqeeyaan sugidda amniga isagoo iska fogeeyay eedeymaha loo jeediyey.