Jaamacadda Gaarrisa oo maanta dib loo furayo weerarkii ka dib

Gaarrisa-Kenya-(Puntalnd Post)-Jaamacadda Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya, ayaa dib loo furayaa maanta oo Isniin ah, kadib muddo 9 bilood ah oo Jaamacada ay xirneyd, markii dagaalyahano ka tirsan Shabaabka ay weerar ku qaadeen Jaamacada oo Arday badan ay ku laayeen.

Bishii April 2-deedii sanadkii 2014 ayay ahayd markii Shabaabka ay galeen Jaamacadda aroor hore xilli ardayda qaarkood ay hurdeen, qaarna Salaada Subax masaajidka ay ku maqnaayeen.

Masuuliyiinta Jaamacadda Magaalada Gaarisa ayaa sheegay in maanta Jaamacada dib loo furaayo, Duruusta Jaamacadana ay bilaabanayaan 11-ka Bishan, intaasina ay ardayda ku soo xaroonayaan, maadaama Ardaydii Jaamacada dhigan jirtay ay kala carareen markii weerarka uu dhacay.

Is bedelo dhanka ammaanka ah ayaa lagu sameeyay Jaamacadda Magaalada Gaarisa, waxaana muuqata in ammaanka la adkeeyay, taasi oo niyad u yeelaysa in Ardayda iyo Macalimiinta ay ku soo dhiiradaan imaatinka Jaamacadda.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Rutto, ayaa horay u sheegay in la furaayo Jaamacadda Gaarisa, si ardaydii dhigan jifrtay halkoodii ay waxbarashada uga sii wataan.

Ardaydii ka badbaaday weerarkii Jaamacadda, ayaa intooda badan ku biiray Jaamacado kale oo dalka Kenya ku yaallo, si ay waxbarashadooda u sii wataan.

Inkastoo maanta la furaayo Jaamacadda Gaarisa, haddana waxaa jirta cabsi la xiriirta dhanka ammaanka oo ay qabaan waalidiinta carruurtooda doonaysa inay dhigtaan, kuwaasoo ka baqaya weerarro kale oo Shabaab ay ku soo qaadaan Jaamacadda.