Baraawe-(Puntland Post)-Xaaladda magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose ayaa deggen,ka dib dagaal qaraar oo halkaasi ku dhex maray laba garab oo ka wada tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Barre Maxamed ayaa sheegay inay geeridad dadkii ku nafwaayay dirita ay gaarayso 11 qof oo u badan dhinacyadii dagaallamay,dhaawacuna uu intaa ka badan tahay,magaaladana ay la wareegeen ciidamada nabad-sugidda qaranka oo soo kala dhex-galay labada dhinac.
Weli waxaa ka taagan cabsi ah inuu dib halkaasi dagaal ugu qarxo maaddaama ay ciidamadii ay dirirtu dhex martay weli is hor fadhiyaa,waloow saraakiisha dowladda iyo odayaasha dhaqanka ee gobolka Shabeellada hoose ay yididiilo ka muujinayaan inay kala qaadaan garabyada nabadna laga hir geliyo magaalada.
Ciidamadan isku fara saaray magaalada Baraawe ayaa la shegayaa inay u abaabulan yihiin qaab beeleed,iyagoo maalmahanba isku hor fadhiyay qaybo ka mida magaalada Baraawe,waxaana dhowr goor guul darraytay dedaallo lagu doonayay in xal buuxa la kala dhex dhigo labadan beelood.