Gaalkacyo( Puntland-Post) Allaha u naxariistee waxaa magalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug ku geeriyooday wasiiru dowlihii caafimaadka Puntland Col. Cabdulaahi Jaamac Cali oo maalmahan ku maqnaa Gobalkaasi Mudug,
Geeridiisa waxaa ka hadlay oo tacsi ka diray madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas isagoona sheegay in faatada loosoo mari murxuumkaasi iyo marwadiisa oo bil ka hor geeriyootay.
Agaasimaha guud ee wasaradda Caafimaadka Dr.Cabdirisaaq XIrsi Xasan ayaa dhambaal tacsi ah soo gaarsiiyay Puntland Post, wuxuna sheegay inay ka naxeen geeridiisa ayna tacsi u dirayaan dhammaal ehelkii iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com
You must be logged in to post a comment.