Gaarrisa-Kenya-(Puntland Post)-Yussuf Maalim Noor Aden oo loo yaqaanno Fanax ayaa si nabad ah isugu dhiibay ciidamada ammaanka dalka Kenya ee ka howl gala magaalada Wajeer, waxaana is dhiibitaankiisa gacan ka geystay wax garadka qabaa’ilka uu kasoo jeedo.
Ninkaan oo ka mid ahaa taliyeyaasha al shabab ayaa gacanta laamaha amaanka soo galay galinkii dambe ee shalay oo sabti ahayd, sida laga soo xigtay saraakiisha.
Mohamed Sheikh, oo ah agaasime sare oo ka tirsan booliska ayaa arrintaan u xaqiijiyay warbaahinta waxaana uu sheegay inFanax uu isagoo kaligiis ah oo aan hubeysneyn isasoo dhiibay.
Yussuf Maalim Noor Aden ayaa balan qaaday in uu ciidamada amaanka ee Kenya siin doono macluumaadka uu ogyahay ee ku saabsan kooxda al shabab ee uu la shaqeynayay.
Ninkaan ayaa ahaa hoggaamiyaha kooxda loo yaqaanno Amniyaadka ee ka tirsan Al-shabab, kuwaasoo si dhuumaaleysi ah uga howl gala xadka kala qeybiya wadamada Kenya iyo Soomaaliya.
Howlaha uu Yusuf qaban jiray ayaa waxaa ka mid ahaa inuu abaabulay weerarro lagu qaaday gudaha waddanka Kenya iyo in uu aruurin jiray macluumaadka sirta ah ee laamaha amaanka Kenya.
Wararka ayaa sheegaya in sarkaalkan loo soo gudbinayo dhinaca magaalada Garissa, halkaasoo ay kula wareegayaan ciidamada la dagaalanka argagixisada iyo laanta sirdoonka ee dalkaas.
Gudoomiyaha gobolka Wajeer Michael Ole Tialal ayaa xubnaha kale ee ka tirsan Al-shabab ugu baaqay in ay kasoo goostaan kooxdaasi isla markaana isku soo dhiibaan ciidamada Kenya.
Sanadkii lasoo dhaafay ayuu wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya joseph Nkaissery ku dhawaaqay in cafis loo fidinayo dhalinyarada ka barbar dagaalanta Al-shabab haddii ay si nabad ah isku soo dhiibaan, tallaabadaas ayaana hor seedday in boqolaal dhalinyaro ah ay isu dhiibaan laamaha ammaanka Kenya.