Muqdisho-(Puntland Post)-Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay gacan ku dhiigle Ex-dable nabad-sugidda Mustaf Maaxiye Dooyoow oo 26 sano jir ah,kaasoo dil bareera u geystay marxuum la oray jiray Maxamed Qaasim Barroow taariikdu markay ahayd 10/2/2015 xilli uu hawlgal ka socday degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.
Maxkamadda ayaa dilka ka dib digniin kulu u diertay kuwa dadka laaya cid kastaba ha noqotee in caddaaladda la hor keeni doono lana marin doono ciqaabta ay mudan yihiin,si loo helo amni buuxa iyo kala dambayn.
Dhowr goor ayay maxkamadda ciidanka qalabka sida dil toogasho ah ku fulisay gacan ku dhooglayaal ka tirsanaa ciidamada kala duwan ee Soomaaliya,kuwaasoo la sheegay inay geysteen falal dil baree ah oo ay u geysteen askar ama dad rayid ah.
You must be logged in to post a comment.