Maraykanka oo xiraya saldhiggii diyaaradaha Drones-ka ee Itoobiya

USA-(Puntaland Post)-Ciidamada Mareykanka ayaa xiray saldhiggii ay ka duuli jireen diyaaradaha aanay cidna wadin ee Drones-ka loo yaqaan ee ku yaallay Koofurta Itoobiya.

Saldhiggan oo ku yaallay magaalada la yiraahdo Arab Minch dalka Itoobiya ayaa waxaa uu Mareykanka u adeegsanayay howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Al-Qaacidda ee bariga Afrika.

Afhayeen u hadlay Safaaradda Mareykanka ee Itoobiya oo lagu magacaabo David Kennedy ayaa sheegay in labada dal ay isku raaceen in joogitaanka Mareykanka ee saldhigaas aan xilligan loo baahneyn, sidaas darteed uu ka guuray.

Saldhiggan ayuu Mareykanka istcimaalayay tan iyo sanadkii 2011,waxana 2012-kii lagu sameeyay dib u habeyn, iyadoo haatan lagu wareejiyay ciidamada Itoobiya.

Mareykanka ayaa saldhig milateri oo weyn ku leh dalka Jabuuti oo deris la ah Soomaaliya, halkaasoo inta badan la sheego in diyaaradaha Drones ay ka soo duulaan.