Boosaaso-(Puntlandpost)-Siyaasi Cabdi Samad Maxmed Galan Gudoomihii hore ee gobalka Bari waxaa soo dhawayntiisa maanta ka qaybgalay masuuliyiin horay xilal uga sooqabatay Puntland,xubno ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka dagmada Bosaaso ,Wagardka Gobolka Cuqaal Dhalinyaro Siyaasiyiin Haween Saraakiil katirsan Ciidamada Puntland. iyo Qaybaha kale ee Bulshad ku waasi oo uga hortagay duleedka magaalda Booosaaso
gudoomiyihii hore ee gobalka bari Cabdi Samad Maxmed Galan ayaa markii uu soogaaray madashii ay ku sugnaayeen dadwaynihii u soobaxay soodhawayntiisa ayaa waxaa uu si kal iyo laab ah ugacan qaaday dhamaan masuuliyiintii iyo dadwaynii kale ee u soobaxay soodhawayntiisa
Soodhawayntaasi kadib ayaa Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Cali Galan ayaa waxaa uu ka qaybgalay kulan kale oo soodhawayn ah kaasi oo lagu qabatay Hoteelka Al-sabaax Boosaso
Qaarkamid ah siyaasiyiintii iyo dadwaynihii ka qaygalay soodhawantiisa oo kulan kahadlay ayaa si iskumid ah u soodhawaayay booqashadaan uu kuyimid Boosaaso gudoomiyihii hore ee G.Bari, kuna tilmaamay mid wax wayn ka qabtay gobalka Bari mudadii uu Gudoomiyaha ka ahaaa.
Gudoomiyihii hore ee gobalka bari Cabdi Samad Maxmed Galan oo gabagdii hadalka qaatay ayaa uga mahaceliyay dhamaan intiii sooqaban qaabisay iyo kuwii ka qaybgalayba soodhawayntiiisa, waxaana uu xusay in uu maqsuud ka yahay sida ay shacabka boosaso u sooodhaweeyeen isaga oo aan wax xil ah haynin
Mudane Galan ayaa ugu baaqay shacabka gobalka bar in ay ka qayb-qaataan hormarka dalka iyo amniga oo uu sheegay in ay mihiim u tahay jiritaanka dowlada puntland
Gudoomiyihii hore ee gobalka Bari Cabdi Samad Galan ayaa gabagabdii wax laga xumaad ku tilaamay tacdiyado loogaystay qaarkamid ah dadwaynihii iyo wariyaal tabinaayay soodhawayntiisa taasi oo uu sheegay in ay ka danbeeyeen maaamulka gobalka Bari iyo taliska Boliska Gobalka , waxaana uu ku tilmaamay talaabada noocaasi ah mid maamulka iyo dawaynah iska horkeenaysa, waxaana uu ugu baaqay maamulka in ay raali galin ka bixiyaan
Puntland Post.com
You must be logged in to post a comment.