Baydhabo-(Puntland Post)-Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa maanta laga dareemayaa qabanqaabo ku aaddan doorashada guddoomiyaha baarlamanka maamulka Koofur Galbeed iyo ku xigeennadiisa.
Ammaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, gaadiidka raaxada ayaa la baarayaa, waxaana waddooyinka muhiimka ah iyo nawaaxiga halka ay doorashada ka dhacaysaba lagu arkayaa ciidamada maamulka iyo kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika.
Musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed waxa ay kala yihiin Cali Xasan Cismaan iyo Cabdulqaadir Shariif Sheequnaa,halka ku xigeenka ay u loollamayaan Saddex murashax oo kala ah Shugri Bashiir Ibraahim, Xasan buule iyo Maxamed Nuur.
Magaalada Baydhabo oo ay ku sugan yihiin inta badan xubnaha Baarlamanka maamulkaasi oo gaaraya 145 xildhibaan ayaa waxaa ka jirta kala jiidasho codka mudanayaasha si uu murashax walba u helo codka aqlabiyadda.