Ciidamada Kenya oo ku raad-jooga dabley weerar ka geysatay degaanka Lamu

Lamu-Kenya-(Puntland Post)-Ciidamada amaanka ee dalka Kenya ayaa baadi goob ugu jira dabley la rumeysanyahay in ay ka tirsanyihiin Al-shabab oo maalin ka hor weerar ka fuliyay degaanno ka tirsan magaalada Laamu.

Koox hubeysan ayaa duhurnimadii jimcada weerar la beegsatay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada booliska dalka Kenya, iyagoo halkaasi ku dilay qaar ka mida ciidanka kama gubay mid ka mida gaadiidkii ay wateen.

Gaadiidka la weeraray oo ahaa 4 gaari oo ah nooca waaweyn ayaa waday cutubyo ka mida ciidamada sida gaarka ah u taba baran ee loo yaqaanno GSU-da, kuwaasoo kusii jeeday magaalada Bargoni ee waqooyiga magaalo xeebeedka Lamu.

Taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Joseph Boinett ayaa qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay in ciidamada amaanka ay fashiliyeen weerar ay koox ka tirsan Al-shabab ka geysan rabeen degaanka Lamu.

Dowladda Kenya ayaa ku baaqday dagaal ka dhan ah malleeshiyaadka Al-shabaab kaga dhuumaalaysta kaymaha Boni ee weerarrada dhabba galka ah kula jira ciidamada dalkaasi,iyadoo sheegtay inay halkaasi ka samaynayaan hawl-gallo ballaaran oonan weli lagu guulaysan.