Boqor Burhaan oo maanta lagu soo dhaweeyay magalada Bosaso

IMG_4373Bosaso(Puntlandpost)- Waxaa maanta oo Axad ah magalada Bosaso lagu soo dhaweeyay boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse, iyadoona soo dhawaynta wafdiga Boqorka ka qayb galeen mamulka gobalka Bari, kan degmada Bosaso, waxgarad iyo shacab.

Gudoomiyaha Gobalka Bari oo soo dhawaynta boqor Burhaan ka hadlayay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inuu socdaal ku yimaado magalada isla markansa uu goob joog ka noqdo xalada lagu daahfurayo wajiga koowaad dhismaha garoonka diyaaradaha Bosaso.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay soo dhawaynta loo sameeyay waxa kale uu sheegay inay muhiim u tahay imaan shihiisa magalada uuna ka qayb galaya xalada lagu furayo garoonka diyaaradaha Bosaso.

Xaflada furitaanka garoonka waxaa sidoo kale lagu wadaa inuu ka qayb galo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo masuuliyiin xilal kasoo qabtay dalka.
DHAGAYSO:- Boqor Burhaan oo Bosaso tagay
Puntlandpost.com
Xafiiska Bosao