Muqdisho-(Puntland Post) – Taliyaha qaybta Booliska gobolka Banaadir Jeneraal Cali Xersi Barre “Cali Gaab” ayaa sheegay inayan dowladda iyo Al-Shabaab wada joogeyn magaalada Muqdisho, isaga oo ku hanjabay in caasimadda laga sifeyn doono kooxaha ku dhuumaalaysanaya.
Gen.Cali Gaab” ayaa tilmaamay in magaalada Muqdisho ay tahay meel ammaan ah oo shacabka Soomaaliyeed ay ku nool yihiin,wuxuuna sheegay inayan oggolaan doonin inla carqaladeeyo nabad-gelyada ay ku naalloonayaan.
“Shabaab iyo dowladda ma wada joogayaan magaalada Muqdisho, si dhab ah ayaa looga saarayaa meelaha ay magaalada kaga dhuumaaleysanayaan, howlgal culus ayey ciidamada bilaabayaan.” Ayuu yiri taliye Cali Gaab.
Taliyaha ayaa intaa raaciyay in uu naftiisa isweydiinayo waxa kallifay inay dhallinyaro Soomaaliyeed oo aqoon leh hub soo qaataan, kadibna ay u dagaallamaan ujeeddo aysan garan karin natiijada ka dambeysa.
Hadalka taliyaha ayaa imaanaya markii ay xalay ay soo weerareen dagaal yahanno ka tirsan Al-shabaab saldhigga degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, halaasoo dagaal saacado socday ka dib lagaga awood roonaaday malleeshiyaadkii weerarka soo qaaday.