Soomaaliya iyo AMISOM oo qorshaynaya dagaal ka dhan ah Al-shabaab

Muqdisho-(Puntland post)-Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya jeneraal;Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini,iyo taliyaha ciidamadda midowga Africa Jeneraal Mohammedesha Zeyinu,ayaa maanta ka wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Janaraal Maxamed Aaden Axmed iyo saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa si weyn loogu gorfeeyay  adkaynta ammaan guud ee dalka iyo xoojinta hawl-gallada lagula dagaallamayo Al-qaacidda.

Taliyaha Ciidanka AMISOM General Zeyinu  ayaa wasiirka iyo saraakiisha kaleba war-bixin ka siiyey shaqooyinka ciidammada AMISOM ay ka wadaan  guud ahaan Soomaaliya iyo doorka ay ku leeyihiin xasilinta dalka, dhismaha iyo taakuleynta ciidammada qaranka.

Shirkan oo ka dhacay xarunta wasaaradda difaaca ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM ay sanadka cusub ee 2016-ka ula wareegi lahaayeen guud ahaan dhulka weli ku harsan gacanta Al-shabaab.

Ciidamada midowga Afrika ee AMISOM ayaa yimi dalka Soomaaliya sanaddii 2007-dii, markaasoo ay Al-shabaab xukumaysay qaybo ka mida caasimadda dalka,waxaana tan iyo xilligaa lagala wareegay dhul ballaaran waloow ay gacanta ku hayaan magaalooyin iyo degaanno kale oo muhim ah.