Muqdisho (Puntland post) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday dhowr qof oo kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray qarax xooggan oo saaka ka dhacay maqaayaddaThe Village oo ku taal degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo sida la sheegay uu fuliyay wiil dhallinyaro ah ayaa geystay qasaarooyin kala duwan, iyada oo aan weli la soo bandhigin waxyeellada dhabta ah ee weerarkaas ka dhalatay.
Koox wariyeyaal ah oo ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegtay in ay arkayeen ninka falka fuliyay oo ay ka shakiyeen, isaga oo in door ah ku sugnaa halka uu isku qarxiyey.
Ciidamada ammaanka gobolka Banaadir ayaa isku gadaamay goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana la qaadayaa dadkii ku waxyeelloobay qaraxa, iyada oo saraakiishu ay sheegeen in ay dib ka soo xaqiijin doonaan inta uu le’eg yahay qasaarahahalkaas ka dhashay.
Waa markii Saddexaad oo weerar ceynkanoo kale ah lagu qaado maqaayadda The Village oo kaabiga u saaran guriga hooyooyinka ee degmada Xamar Weyne.