Garowe(Puntland-Post) Xarunta hoolka wasaradda Caafimaadka Garowe waxaa saaka ka bilowday kulan labo maalmood soconaya oo uu madaxwayne Gaas kula xisaabtamayo wasaradda iyo hay’adaha wixii u qabsoomay sanadkii lasoo dhaafay ee 2015.
La-xisaabtanka ayaa ah kii labaad uu Gaas sameeyo, iyadoona xarumaha dowladdu kusoo bandhigayaan wixii u qabsoomay iyo qorshayaasha hir gali waayay sababta ay u baaqdeen, waxa kale uu kusoo aadayaa la xisaabtankani xilli uu heer gabo gabo ah ku dhow yahay mashruuca horumarinta degmooyinka ee la yiraahdo JPLG.
Warbaahinta qaarkood ayaa si toos ah u baahinaya khudbadaha ay soo jeedinayaan Hay’addaha uu la xisaabtamayo madaxwayne Gaas, waxana dadku ku tilmaameen inay tahay tilaabo wanaagsan oo lagu ogaanayo cidii wax hufan qabatay.
Sawiradda iyo furitaanka kulankan dib ayaa usoo baahin doonnaa.
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com