Kismaayo–(Puntland Post)– Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ka dib safarro uu ku tegey magaalooyinka Nairobi iyo Addis Ababa ayaa wacad ku maray inay Al-shabaab ka saari doonaan dhawaan gobollada Jubbooyinka.
Axmed madoobe ayaa intaa ku daray in madaxda dalalka Kenya iyo Itoobiya uu kala soo hadlay sidii ururka Al-Shabaab looga sifeyn lahaa guud ahaan dhulka ay kaga sugan yihii Jubbooyinka iyo Gedo bishan gudaheeda.
Magaalada Kismaayo ayaa 10-ka Bishan lagu wadaa inuu ka qabsoomo shir looga hadlayo nooca ay tahay doorashada dalka ka dhici karta Sanadkan,iyadoo ay maanta halkaasi gaadheen ciidamo ka socda Itoobiya qaybna ka ha AMISOM,kuwaasoo door weyn ka qaadan doono la dagaallanka Al-shabaab iyo sugidda ammaanka guud.