Dowladda Kenya oo sheegtay inay fashilisay laba weerar

Mombasa-Kenya-(Puntland Post)—Booliska dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay maanta fashiliyeen labo weerar oo ay dagaal yahannada Al-Shabaab ka fulin lahaayeen magaalooyinka Mombasa iyo Kalifa.

Weeraradan ayaa sida ay laamaha ammaanku sheegeen la qorsheynayay in lala beegsado Saldhig Boolis oo ku yaalla Magaalada Kalifa iyo sidoo kale Kalaab (Nigth Club) habeenkii lagu caweeyo oo isna ku yaalla magaala xeebeeda Mombasa.

Sirdoonka dalka Kenya ayaa sheegay inay heleen xog la xiriirta in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay maleegayaan weerarro lagu qaado labadaasi magaalo,waxanay intaa raaciyeen in laga soo abaabulay kaymaha Boni.

Ururka Al-shabaab ayaa fariimisimo ku leh Kaymaha Boni oo ku dhow magaalada loo tamashlaha tago ee Lamu,waxanay ciidamada Kenya sheegeen inay laba laabeen hawl-gallada ay ka wadaan halkaas, waxaana sii soconaya weerarrada laga soo maleego dhulka Kaymaha ah ee Boni.