Dowladda federaalka oo ka hadashay qaraxii The Village Muqdisho

Muqdisho–(Puntland post)–Wasiirka amniga qaranka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed  ayaa ka hadlay qarax maanta ka dhacay maqaayad kaabiga ku haysa aqalka Hooyooyinka degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.

Nin  isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa galay maqaayadda oo ay ku sugnaayeen koox wariyeyaal ah iyo dad kale oo goobta ka shaahayay, kaasoo la sheegay inuu qorsheynayay dilka dad uu bar-tilmaameed kiisu ahaa inuu dilo,kuwaasoo xilal ka haya dowaldda.

Qaar ka mid ah suxufiyiinta oo ka shakiyay ninka isqarxiyay ayaa goobta isaga cararay, taasi oo yareysay qasaaraha ka dhashay falkii halkaasi ka dhacay oo uu ku dhintay hal qof oo keliya.

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ujeedka laga lahaa qaraxa  uu fashilmay, isla markaana uu aad u yaraaday in qasaare intaa ka badan ay ka dhashaan falkii uu isku miidaamiyay Qofkaasi, maadaamma dadkii ka shakiyay ay goobta isaga yaaceen.

Wasiirka ayaa sheegay inay ka digtoon yihiin shirqoollada ay maleegayaan malleeshiyaadka cadawga ee gumaadaya ummadda Soomaaliyeed,wuxuuna intaa raaciyay inay ka guuleysan doonaan dhagarta ay u maleegayaan shacabka aan waxba galabsan iyo dadka miisaanka u leh qaranka.