Boliiska kaydka Itoobiya oo dad ka af-duubtay gudaha dalka Kenya

Moyaale-Kenya-(Puntland post)-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in labo qof oo mjuwaadiniinteeda ah ay Boliiska Keydka Itoobiya ka af-duubteen degaan ka tirsan Mooyaale ee dhaca xadka kala qaybiya labada dal ee Itoobiya iyo Kenya.

Labadan ruux oo ka mid ahaa rayidka ku dhaqan tuulada Bori oo ku taalla inta u dhexeysa Marsebet iyo Mooyaale kuna dhow xadka labada dal ayaa saakay laga kaxaystay guryahooda sida ay laamaha ammaanka Kenya u sheegeen dad goobjoogyaal ah halkaasi ku sugan.

Saraakiisha ciidanka Booliska Itoobiya ayaa sheegtay inay ku raad joogeen laba xubnood oo ka tirsan jabhadda xoraynta Oromada ee loo soo gaabiyo OLF (Oromo Liberation Front) kuwaasoo ay ku tuhmayeen iney u soo tallaabeen dhanka Kenya.

Bishii November ee sanadkan ayay ahayd markii ay ciidamada Millitery-ga Itoobiya ay ku dileen halkaas saddex sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Booliiska Kenya,taasoo mad-madoow soo kala dhex gelisay xirrirka labada dal,gaar ahaan dhanka xudduudda.