Muqdisho-(Puntland Post)- Ururka Al-Shabaab ayaa soo saaray farriin muuqaal ah oo ay diiradda ku saarayso tacaddiyo ay sheegtay inay gaysanayso dowladda Mareykanka sida toogashooyinka booliska ay u gaystaan dadka Madowga ah iyo baaqii dhowaa ee musharraxa madaxtinnimada Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ee ahaa in dadka Muslimiinta ahi laga mamnuuco galintaanka Mareykanka.
Fiidiyowga cusub oo soconaya muddo 51-daqiiqo ayaa waxaa ku jira farriimo muuqaal ah oo uu horey u duubay Anwar Al-Awlaki oo lagu dilay duqayn cirka ah oo Mareykanku ka gaystay Yemen sanadkii 2011, isagoo farriimihiisa ugu baaqayay Muslimiinta ku nool Mareykanka in ay u guuraan dalalka Islaamka ama ay galaan dagaal ka dhan ah Galbeedka.
Filimka ayaa Jimcihii shalay waxaa Twitter ku soo daabacay garabka Al-Shabaab u qaabilsan warbaahinta ee al-Kataa’ib.
Baaqa Trump ee ah in laga mamnuuca Muslimiinta gelitaanka Mareykanka ayaa waxaa si xooggan u cambaareeyay siyaasiyiinta Mareykanka. Wuxuu ka loo dhaliyay dhaleeceyn caalami ah oo ka timid dalalka Islaamka.
Siyaasiyiinta Mareykanka ayaa horey uga digay in baaqa Trump loo adeegsan karo dacaayadaha kooxaha xagjiriinta ee qorashada xubno hore leh.
Qeyb wayn oo muuqaalka ka mid ah ayaa diiradda saareysa dhallinyaro Soomaali-Mareykan ah oo ka tagay Minnesota si ay uga barbar-dagaallamaaan Al-Shabaab muddadii u dhaxeysay 2007 iyo 2009.
Mid ka mid ah xubnaha lagu soo bandhigtay muuqaalka ayaa ah Faarax Maxamed Beledi, oo horey u daganaan jiray magaalada Minneapolis kaas oo la dilay isagoo isku dayayay inuu weerar ismiidaamin ku qaado ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Muqdisho sanadkii 2011.