Al-shabaab oo gubtay tuulada Buq-goosaar

Beled-weyne-(Puntland post)-Wasiirka warfaafinta maamul goboleedka la baxay West-land ayaa sheegay inay malleeshiyaadka Al-shabaab deb qabadsiiyeen degaanka Buq-Goosaar oo labadii maalmood ee ugu dambaysay ay ka socdeen dagaallo qaraar.

Cabdi sheekh Faarax Ibraahim ayaa war-baahinta gudaha u xaqiijiyay inay Ururka Al-shabaab ee gacan saarka la leh shabakadda Al-qaacidda ay halkaasi ka taageen calanka ay caanka ku yihiin dadka halkaasi ku dhaqanna ay u qudbadeeyeen.

Ku dhowaad labaatameeyo qof oo ay jiraan shan rayad ah ayaa ku naf weyday dagaalladii ka dhacay tuulada Buq-goosaar oo 53 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada B/weyne,waxaana weli kacsan xiisad colaadeed maaddaama ay ciidamadii horay ugu sugnaa halkaasi ee maamulka West-land ay isku uruursanayaan duleeddada sare ee tuulada Matoor ama Buq-goosaar.

Waxaa haawanaya degaankii lagu diriray 48-kii saac ee laga soo gudbay,waxaana jira gurmadyo xooggan oo soo kala gaaraya labada dhinac,iyadoo laga yaabo in saacadaha soo socda uu dib halkaasi dagaal ugu qarxo.

Ururka Al-shabaab ayaa wacad ku maray inay soo ceshan doonaan degaanno horay looga fara maroojiyay oo ku yaalla galbeedka gobolka Hiiraan maaddaama ay koofurta fog ee Soomaaliya ka abuurmeen garabyo kale oo ku xiray Daacish.