Dagaal qasaare sababay oo ka dhacay duleedka Buulo-burde

Buulo-burte-(Puntland post)-Wararka aan ka heleyno degmada Buulobarde ee Gobolka Hiiraan ayaa ku soo warramaya in dagaal khasaaro sababay uu ku dhexmaray duleedka degmadaasi Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dagaalamayaal hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab.

Guddoomiyaha Degmada Buulobarde ee Gobolka Hiiraan Cabdicasiis Duurow Cabdi oo u warramay saxaafadda ayaa sheegay in dagaalka ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen Al Shabaab ayna ka dileen 3 dagaalyahan , dhankoodana ay ka dhinteen 1 qof.

Dhinaca kale Guddoomiyaha ayaa beeniyay in go’doon ay saarantahay degmada Buulobarde xilli la hadal haayay in ay xannibaad saarantahay degmadaasi.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay deegaan la yiraahdo Doonkadiide ee dhaca Galbeedka degmada Buulobarde ee Gobolka Hiiraan.

Magaalada Buulobarde  ayaa loo asteeyay xarunta maamulka loo sameynayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.