Shirkadaha Favori iyo Al-Bayrak oo diiday in lala xisaabtamo

Muqdisho-(Puntland post)-Hanti-dhowrka guud ee qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay in dalka aanay xisaabtiisa xirmi karin,markii uu ku dhaliilay hey’addaha lagu wareejiyay ilaha dhaqaale ee dalka inay diideen in lala xisaabtamo.

Dr. Nuur Faarax oo la hadlayay Baarlamaanka dalka ayaa sheegay in shirkadda Favorioo Maamusha garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo shirkadda Al-Bayrak oo gacanta ku heysa dekedda Xamar ay si buuxda u diideen in lala xisaabtamo,si loo ogaado dhaqaalaha soo gala iyo waxa ka baxa.

Hanti-dhowrka qaranka ayaa ugu baaqay Baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxda dowladda in arrintan ay wax ka qabtaan, inta aan la gaarin bisha Janaayo,maaddaama loo baahan yahay sanadka dhamaanaya ee 2015-ka in xisaabtiisa la soo xiro.

Shirkadda Al-Bayrak oo horraantii 2014-ka lagu wareejiyay dekedda Muqdisho ayaa bishii November ee 2014 soo bandhigtay bil gudaheed dhaqaalaha ka soo xerooday Marsada oo gaarayay 1,582,000 (Hal Milyan Shan boqol Siddeetan iyo Laba kun oo dollar ah).

Inkastoo wixii markaas ka dambeeyay aanay shirkaddu soo gudbin dhaqaalaha bil walba soo gala, waxana loo arkayay tallaabadaas mid shacabka ay kula wadaageyso dhaqaalaha soo gala dekedda oo aan hortii la ogeyn.

Sidoo kale shirkadda Favori ee maamusha Madaarka caasumadda ayaan weli soo sheegin dakhliga ka soo xerooda halkaas, inkastoo ay dib u dhis ku sameysay gegida diyaaradaha billowgii sanadkan,iyagoo kusoo kordhiyay waxyaabo badan oo casri ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa labadan shirkadood oo laga leeyahay dalka turkiga ku wareejisay sanaddii aynu ka soo gudubnay garoonka iyo dekedda oo ah ilaha ugu waa weyn ee ay dowladdu kaga soo xeroon jireen dakhliyaadka ay ku maareyso adeegyadeeda kala duwan.