Shir looga hadlayey Canshuuraha dowladaha hoose iyo dowladda dhexe oo lagu qabtay Garowe

Garowe-(Puntlandpost)-29/12/2015 waxaa ka furmay magaalada madaxda Dawlada Puntland shir looga arinsanayo cashuuraha dawladaha hoose iyo dawlada dhexe.

shirka waxaa soo qaban qaabiyey wasaarada Maaliyadda,waxaa Ka soo qayb galay Gudoomiyaasha degmooyinka Puntland, xoghayayaasha dawladaha hoose iyo saraakiil ka tarisan dawlada Puntland oo ay ugu horeeyaan Agaasimayasha wasaaradda Maaliyada, xisaabiyaha Guud iyo arimaha gudaha iyo lata

Ugu horayntii shirka waxaa ujeedadiisa xoghaya guud ahna xiriiriyaha mashaariicada JPLG /LDF ka Mr Ahmed Jama Jawle, waxa uu sheegay in uu shirka muhiim u yahay dawlada dhexe iyo dawladaha hoose’islamarkaana looga hadlayo in cashuuraha laka cadeeyo qolokastana ay qaadato qaybteeda iyo masuuliyadeeda, waxa uu ku sii daray in uu noqdo shirku mid ka duwan shirarkii hore oo soo sara dukumeenti cadaynaya cashuuraha lana mariyo golayaasha dawladda si loo sharciyeeyo.

Agaasimaha Canshuraha Bariga Mr Ali Farhan Gaashan, Mr Gaashaan waxa uu sii xoojiyey hadal xogayaha guud waxa uu ka codsaday dhamaan madaxda isugu timi shirkaan in ay noqdaan dad wax ku soo kordhiya dawlada Puntland.

Wasiirka wasaarada Maaliyadda Mr Abdilahi Sheikh,oo shirka furay ayaa mahadceshay saraakiisa wasaaradda iyo lataliyaasha mashruuca JPLG sida quruxda badan ee ay usoo agaasimeen shirkaan, intas ka dib wasiirku waxa ka hadlay muhiimada shirka uu u leeyahay wasaaradda iyo guud ahaan wadan/dawlda Puntland wasiirku sida saraakiishii hore waxa uu kula dar daarmay madaxda ka soo qaybgalay shirkaan in ay soo saaraan wax dukuumenti wax tar leh.

Sawirro.

IMG_0329 IMG_0335 (2) IMG_0339 IMG_0343 IMG_0365 IMG_0328 IMG_0291 (1) IMG_0291 IMG_0294 IMG_0301 IMG_0303 IMG_0317 (1) IMG_0318 IMG_0328

Mohamud Abdisalan Hassan Duaalle

Madax media wasarada maliyada Gobolka Nugal.

Puntlandpost.com.