Beled-weyne-(Puntland post)-Waxaa maanta xarigga laga jaray xarunta maamulka gobolka Hiiraan,markii ay ku bur-burtay dagaalladii kala duwanaa ee lasoo maray muddadii 25-ka sana ahayd,taasoo dhawaanahay uu ka socday dib u dayactir xooggan.
Munaasabaddii dib u furista xaruntan,oo ahayd mid si weyn loo agaasimaya ayaa waxaa ka qeyb-galay maamulka heer gobol iyo degmo,saraakiisha ciidammada dowladda Soomaaliya,kuwa Midowga Afrika,wax-garadka Beled-weyne iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (daba-geed) oo hadal kooban jeediyay ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in maanta dib loo howl-geliyo xarumihii looga arrimanayay maamulka gobolka, isagoo xusay mudada ay xafiiska joogaan inay ka shaqeyn doonaan midnimada iyo wadda-jirka bulshada gobolka ku nool,wuxuuna bulshada ka dalbaday inay la shaqeeyaan.
Taliyaha ciidamada Jabuuti Col;Cusmaan Dubbad ayaa sheegay in xarumahan loogu talagalay in ay ku shaqeeyaan mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo kan degmada, wax weynna ay ka tari doonaan habsami u socodka howlaha maamulka.
Dib u soo noolaynta aqalka gobolka Hiiraan ka sokoow waxaa loo dhammaystiray dhammaan agab xafiiseedyada looga baahnaa in lagu shaqeeyo,waxanay madaxdii halkaasi isugu timid isku raaceen in maanta laga billaabo horay loo talaabsado,wada jirkana loo guntado.
You must be logged in to post a comment.