shir looga hadlayey xiriirka bahwadaagta Cadaaladda oo lagu qabtay Garowe

Garowe-(Puntlandpost)- Shir looga hadlayey Xiriirka wada shaqayneed ee bahwadaagta Cadaaladda ayaa maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda Cadaalada Puntland ee Garowe.

Waxaa ka qayb galay Shirka Wasaaradaha Cadaaladda,Amniga,Qorshaynta,iyo Arimaha gudaha arimaha looga hadlayey ayaa ahaa sidii wada shaqayn uyeelan lahaayeen wasaaradahaasi.

Shirka ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Cadaalada Puntland,Masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa isla gorfeeyey inay Xiriir xoogan yeeshaan wasaaradahaasi, oo iyagu horseed u ah Cadaaladda.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cadaaladda Puntland Maxamed Cali Faarax ayaa faah faahiyey waxyaabaha shirka looga hadlayey,waxa uuna sheegay in ujeedadiisu tahay mid lagu midaynayo bahwadaagta Cadaaladda,isagoo tilmaamay in wasaaradda Cadaaladdu mudo ka soo shaqaynaysay sidii ay wada shaqayn u yeelan lahaayeen Wasaaradaha Cadaaladda horseedka u ah.

Waxaa uu sheegay in waxyaabaha shirka laga soo saarayo ay qayb ka yihiin sidii wada shayn u yeelan lahaayeen bahwadaagta Cadaaladdu,habkii lagu wada shaqayn lahaa,iyo sidii loogu baahin lahaa Cadaaladda dalka.

Wasiiradda Amniga iyo Arimaha gudaha Cabdi Xirsi Cali iyo Axmed Karaash oo madasha ka hadlay waxay wasaaradda Cadaaladd Puntland ku amaaneen kulan ay maanta soo qaban qaabisay,iyagoo sheegay inay wada shaqayn yeelan doonaan.

Wasiirka Cadaaladda Saalax Xabiib Xaaji Jaamac ayaa soo xiray Shirka,dd waxa uuna sheegay in Wasaradaha Caadaladda Amniga iyo Arimaha gudaha ay asaas uyihiin dowladnimada, islamarkaana hadaysan jirin Cadaaladd iyo Amni lawaynayo nolosha.

Waxa uu sheegay in Wasiirka Amniga iyo Arimaha gudaha ay kawada hadleen sidii ay ubooqan lahaayeen gobolada si ay uxoojiyaan wada shaqayn tooda.
Sawirro.
_DSC8483

_DSC8482

_DSC8484

_DSC8487

_DSC8485

_DSC8488

_DSC8491

_DSC8490

_DSC8493

_DSC8494

_DSC8495

_DSC8496

_DSC8497

_DSC8498

_DSC8499

_DSC8500

_DSC8501

_DSC8502

_DSC8504

_DSC8505

_DSC8506

_DSC8507

_DSC8511 _DSC8518 _DSC8525 _DSC8529 _DSC8536 _DSC8539 _DSC8541 _DSC8542 _DSC8545 _DSC8547

Puntlandpost.com.