Mandheera-Kenya-(Puntland post)-Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyootay tiro intaa ka badanna ku dhaawacmeen rasaas sida la sheegay ay ciidamada ammaanka Kenhya ku fureen gaari ay la socdeen dad rayida gudaha magaalada Mandera.
Cabey Macalim Xsan oo ah guddoomiyihii hore ee xaafada Bula Mbia degmada Mandheera ayaa warbaahinta u sheegay shilkan,wuxuuna cambaareyn kulul u jeediyay ciidamada amaanka.
Carfoon Daahir Sheikh oo ka mid ah haweenka ururka horumarinta dumarka Mandheera oo qaraabo la ah qaar ka mid ah dadka dhintay maanta ayaa sheegtay inay ciidamada nabad-gelyada Kenya si bareer ah u toogteen shacab ku sii jeedaya garoonka diyaaradaha ee magaalada,waxayna ku tilmaantay wax ka baxsan Bini’aaddan-nimada.
Wakiilka golaha Baarlamaanka Mandheera ee laga soo doortay deegaanka Alungu oo ka tirsan Lafey Cabdirisaaq Maxamed Daahir ayaa cambaareeyay dhacdadii maanta,wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay is dejiyaan.
Dhanka kale dibad bax ballaaran oo rabshado wata ayaa haatan ka socda gudaha magaalada Mandheera, dadkaasoo ka careysan falkii lagu rasaaseeyay gaariga dadka rayidka ahi saarnaayeen.
Shalay ayey ahayd markii agagaarka degaanka Lafeyn oo ka tirsan Mandhera uu ka dhacay weerar lagu dilay labo askari oo ka tirsan booliska Kenya.
Ammaanka Mandhera ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay soo xumaanayay, iyadoo ay ka dheceen dhowr weerar oo is xig xigay.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka iyo Milatariga oo arrintan ku saabsan,waxaana dadkii ku dhaawacmay falkan la dhigay cuspitaallada magaalada.