Bisha cas oo shaqaalahii laga Af-duubtay la sii daayay

Baar-dheere-(Puntland post)-Waxaa xorriyadooda dib u helay saddex ka mid ah shaqaalaha hay’adda bisha cas oo barqanimadii shalay ay dableey ka tirsan ururka Al-shabaab ka afduubteen duleedka degmada baardheere ee gobolka Gedo.

 
Siideynta shaqaalahani ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Ibrahim Isaaq Gaaseey oo ah Madaxa bisha cas ee Baardheere, isagoo intaa raaciyay in dedaal badan oo ay saameeyeen masuuliyiintooda ka dib,lagu soo fasaxay xunahii laga qafaashay.

 
Gaaseey ayaa sheegay inuusan wax siyaasad ah haba yaraatee Ururkooda Bisha cas uusan ku lahayn,wuxuuna caddeeyey hadafka guud ee bisha inuu yahay u adeegidda shacabka dhibaateysan iyo garab qabashada dadka tabaalaysan.

 
Cabdiweli Cumar Garaar iyo Aadan Cabdi Maxamed oo ka tirsan saraakiisha hay’adda bisha cas iyo darawlkoodii Cali Faruur ayaa barqanimadii shalay laga kaxaystay meel ku dhow tuulada ilbeeto,xilli ay ku guda jireen hawlo kormeer ah,maaddaama nawaaxigaasi ay ka wadaan hawlo sama fal ah oo loogu gar-gaarayo dadka jilicsan.