Kampala-(Puntland post)-Dowladda Yugaandha ayaa ku dhawaaqday qorshe ay Soomaaliya ugu soo direyso ciidamo dhinaca cirka ah oo ka qeyb qaata howl galka Midowga Afrika ee AMISOM.
Saraakiil ka tirsan ciidanka difaaca dalka Yugandha ayaa sheegay in qorshahan uu yahay sidii loogu taageeri lahaa ciidamada hawl-galka midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya,taasoo ay wada shaqayn kala yeelan doonaan AMISOM.
Qorshaha dhinaca cirka ah ayaa qeyb ka ah diyaaradaha shixnadaha qaada, kuwa qumaatiga u kaca iyo kuwa deg dega ee taageeraya Ciidamada AMISOM, xilliga ay howl galka ka wadaan Soomaaliya.
Howl galka AMISOM ayaan laheyn diyaarado dagaal oo u madax bannaan, marka laga reebo dowladda Itoobiya oo adeegsata diyaaradaha qumaatiga u kaca (Helicopters), halka Kenyana ay adeegsato diyaaradaha wasaaradda gaashaandhigga ee dalkeeda oo marar badan duqaymo ka geystay koofurta Soomaaliya.