Kenya oo mar kale sheegtay inayan ka baxayn Soomaaliya

Muqdisho-(Puntland post)-Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya Gen; Mwathethe Samson ayaa sheegay in ciidankoodu aysan ka bixi doonin dalka Soomaaliya inta ay Al-shabaab sii wadaan weerarrada ka dhanka ah dalkaasi Kenya.

Sarkaalkan oo ku sugan Kismaayo,una warramayay Taleefishinka NTV ayaa intaa raaciyay in ujeedka ciidanka Kenya uu u joogo Soomaaliya ay tahay inay xaqiijiyaan ammaanka xadka oo ay weerarro ku dhufoo ka dhaqaaq ah ka soo qaadaan kooxaha Islaamiyiinta.

Gen;Samson  ayaa tilmaamay in ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay guulo badan ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab tan iyo markii ay soo galeen Soomaaliya bartamihii Sanadkii 2011.

“Waxaa naga go’an inaan sii wadno dagaalka aan kula jirno Al shabaab, waayo Soomaaliya oo nabad noqoto ayay Kenyana ku nabad geli kartaa,” ayuu yiri Gen; Samson.

Taliyaha ciidanka difaaca Kenya ayaa ugu baaqay shacabka dalkiisa inay hay’adaha ammaanka kala shaqeeyaan ka hortagga dagaal yahannada Al-shabaab ee ku dhex-dhuumaalaysanaya Shacabka Kenya.

Wuxuu sheegay in Al-sahbaab ay dagaal yahanno badan u dirtay gobolka Waqooyi Bari Kenya, kuwaasi oo ku dhex milmay bulshada halkaasi ku dhaqan,markii ay cadaadis xooggan kala kulmeen how-lgalka Ciidanka Kenya ay ka wadaan Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa dhowr goor oo hore ku cel-celisay inayan ka baxay gudaha Soomaaliya,iyadoo mucaaradkuna ay ka soo hor jeedaan in ciidamadooda loo diro meel dalka banaankiisa ah si aan loo dhibaatayn dadka rayadka ah ee ka madax bannaan siyaasadda.