Baar-dheere-(Puntland post)-Gudoomiyaha degmada Baar-dheere ee dowladda federaalka Soomaaliya Caddoow Nuur Xasan ayaa warbaahinta u sheegay inuu isu soo dhiibay sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab, markii uu la soo sameeyay xiriirro dhowra.
Hor-joogahan oo aan magaciisa la shaacin ayaa la sheegayaa iney haatan gacanta ku hayaan ciidamada dowladda si loo xaqiijiyo xilka uu hayay iyo waxa uu ahaa,iyadoo saacadaha soo socdana la filayo in loo soo qaado dhanka magaalada Muqdisho oo lagu amrin doono baaris kale.
Todobaadkii aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii uu sarkaal kale oo ka tirsanaa Al-shabaab iska soo dhiibay gobolka Gedo,kaasoo iminka lagu hayo xarunta nabad sugidda qaranka Soomaaliyeed ee Muqdisho.