Dagaalyahanno Al-Shabaab ah oo ay miino kula qaraxday gobolka Baay

Isha sawirka © Maxamed Sheekh Nuur/AP
Isha sawirka © Maxamed Sheekh Nuur/AP

Baydhabo (Puntland Post) — Wararka ka imanaya magaalada Baydhaba ee caasumadda gobolka Baay ayaa sheegaya in Shan ka mida dagaal yahannada Al-Shabaab ay ku naf weyday qarax miino oo ay dhigayeen inta u dhexeysa magaalooyinka Berdaale iyo Baydhaba oo isla gobol ka wada tirsan.

Malleeshiyaadka shilkan ku dhintay ayaa la sheegayaa inuu bar-tilmaameedkoodu ahaa guddoomiyaha degmada Berdaale oo xilligaa kasoo laabanayay safar shaqo uu ku tegey magaalada Baydhaba ee xarunta gobolkaasi.

Qaraxan oo ka dhacay halka lagu magaabo Bakale oo u dhexeysa Baydhaba iyo Berdaale ayaanan la ogeyn cidda ku wehlisay Shanta xubnood ee geeriyootay.

Al-shabaab ayaa dagaal yahanno badan ku weyday qaraxyo cayn kanoo kale ah,iyagoo diyaarinaya miino ay doonayeen iney la beegsadaan masuuliyiin ama ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM.